Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa gudaha iyo bannaanka Magaalada Baydhabo ka billaabay howlgallo lagu sugayo amniga Magaaladaas.
Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada falal liddi ku ah nabadgalyada ay ka dhaceen gudaha iyo duleedka Magaalada Baydhabo oo xarunta uu ku shaqeeyo Maamulka Koofur Galbeed sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka oo kulan looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Ciidanka ka amar-qaata Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa soosaaray go’aano cusub oo lagu xoojinayo nabadgalyada.
Dhinaca kale, wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in si kumeel-gaar ah loo joojiyay gaadiidka xiliyadii habeenkii gala Magaaladaas sababo la xiriira dhinaca nabadgalyada, waxaana la kordhiyay goobaha hubinta ee Xarunta Gobolka Baay.
Mustaqbal
