Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Wararka ka imanaya Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta Maxkamad la soo taagay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka mid ahaa maamulkiisa.
Warbaahinta Dowladda ee FANA ayaa sheegtay in Maxkamadeynta Cabdi Maxamuud iyo xubnaha maamulkiisa ku jira ay maanta bilaabatay.
FANA,ma sheegin nooca Maxkamadda la soo taagay Cabdi iyo xubnaha kale ee ka soo muuqday maxkamadda kuwaas oo todobaadkan la xiray.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa intii uu Maxkamadda joogay sheegay in maalmaha uu xabsiga ku jiray helin wax cunto iyo Dawo ah,caafimaaad la’aanna dareemayo.
Maxkamadda ayaa amartay Booliska in muddo 14 maalmood ah ay ku soo dhameystiraan dacwadda ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida.
Kiiska Maxkamada ee loo heystay Raggan ayaa ah in ay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha galeen intii ay maamulayeen dowlad degaanka.
Xubnaha kale ee maanta Maxkamadda ka soo muuqday waxaa ka mid ah;
- Abdijemal Kelonbi- Wasiirkii Caddaaladda
- Rahma Mohammed – Wasiiraddii hore ee Haweenka iyo Carruurta
- Ibrahim Mehd- Wasiirkii hore ee Waxbarashada
- Dek Abdulahi –Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Biyaha
- Ibrahim Mohammed Mubarek – Guddoomiyihii Jigjiga
- Omer Abdi – Madixii Siyaasadda ee Xisbiga Dowlad degaanka Soomaalida.
