Cabaas oo diiday Federaal uu la sameysto Jordan

Maxamuud Cabaas,Madaxweynaha Falastiin.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa diiday qorshe uu wado Mareykanka oo lagu doonayo in Jordan iyo Falastiin ay ku sameystaan Dowlad Federaal ah.

Maxamuud Cabaas oo shalay gelinkii dambe ka hadlayay Magaalada Ramallah ayaa sheegay in Federaalka Jordan u aqbalayo marka ay Israel xubin ka noqoto islamarkaana Israel,Falastiin iyo Jordan ay sameystaan hal dal oo kaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wada qorshaha Falastiin loogu darayo Jordan,waxaana uu u xil saaray wiilka uu soddogga u yahay ee Jared Kushner iyo Danjiraha Mareykanka ee Bariga dhexe ason Greenblatt.

Arrintan waxaa ay dhalatay markii Trump uu caasimadda Israel u aqoonsaday Quddus Bishii Desember ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana xigtay in Safaaradda Mareykanka ee Tel aviv loo wareejiyay Quddus 14kii May 2018.

Mareegta ay leeyihiin Sirdoonka Israel ee DEBKAfile,ayaa Bishii May qortay in Falastiin ay caasimad u noqneyso tuulada Abuu Diis oo ku taalla Duleedka Quddus,waxaana ay sheegtay in qorshana ay sidoo kale ku jiraan dalalka Masar,Imaaraadka,Sucuudiga iyo Jordan.

Mustaqbal media

Read Previous

Kulankii shalay laga ciyaaray tartanka degmooyinka g,banaadir, iyo kuwa galabta la ciyaari doono.

Read Next

Barcelona oo burburisay SD Huesca.