Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay ajaaniib lagu eedeeyey in ay Muqdisho ka qaateen Dahab

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay Magaalada Muqdisho ka qaateen Dahab gaaraya 940 Garaam ayna baxsad ka ahaayeen cadaaladda.

Eedaysanayaasha Boliisku qabtay ayaa lagu kala magacabaa  Cabdikariin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdikariim Axmed, iyo Malay Cabdi bdikarim Ahmed oo dhamaan ka soo jeeda dalka Suuriya.

Booliiska magaaladda Qardho  ayaa sheegay in xubnahaan oo u dhashay dalka Suuriya saaka lagu qabtay Qardho lana  horgeyn doono Cadaaladda si wax looga waydiiyo Eedaha loo haysto,boliiska magaaladda Qardho oo gacanta ku dhigay Eedaysanayaal u dhashay dalka Suuriya.

Warka ka soo baxay ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu yiri, “Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.”

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

NISA oo gacanta ku dhigtay gawaari lagu soo raray Alaabo electronics kuwaas oo ku siijeeday deegaannada AS

Read Next

Madaxweynaha JFS oo safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti