Beesha Caalamka oo D.Federalka iyo Somaliland ku cadaadineysa in ay wadahadlaan.

Baashe Moorgan iyo Mette Knudsen .

Waddamada taageera Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada hoos yimaada ayaa waxaa ay hadda cadaadis saarayaan dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland oo gooni isu tag horay ugu dhawaaqay.

Wararka ay Mustaqbal Radio ka heleyso Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Waddamada Denmar iyo Holland ay hadda wadaan cadaadiska ugu xooggan ee la saarayo dowladda Federaalka ah iyo Somaliland si wadahadalkii dib loogu billaabo.

Wadahadallada ayaa hakad galay wixii ka dambeeyay sanadkii 2016kii markaas oo labada dhinacba ay ka jireen olole doorasho,waxaana lagu ballamay in dib loo kulmo.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashi Cawil ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Danjiraha Denmark ee Kenya ,Haweeneyda lagu magacaabo Mette Knudsen.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay in dib loo billaabo wadahadallada Dowladda Federaalka ah ee Somaliland, dhinaca Somaliland waxaa ay markasta ku cel celisaa in wadahadalka uu ka dhaco meel aan ahayn Turkiga iyo gudaha dalka.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa soo jeediyay in wadahadallada ugu soo horreeya ay u dhacaan sida ugu dhaqsiyaha badan kana dhacaan Kenya ama labada dale e Holland iyo Denmark midkood.

Baashe Moorgan ayaa kulanka kaddib Warbaahinta Kenya u sheegay  Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah ay ka wada shaqeeyaan la dagaallanka Argagixisada,Burcad Badeedda,Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo wixii la mid ah.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Sergej Milinkovic-Savic oo heshiis cusub u saxiixay kooxdisa Lazio.

Read Next

International community calls for end to Hergeisa and Mogadishu hostilities