Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay dhigeen Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Jubaland iyo Maamulkiisa.
Dadka banaanbaxayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Jubaland iyo dadka maamulkiisa ku jira.
Axmed Shuuriye Cali, oo ka mid ah Odayaasha degaanka, ayaa yiri “Jubaland annagaa dhisannay,laakiin maamul xumo Axmed madoobe iyo wixii la shaqeeya ka timid ayaan ku diidnay”.
Waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe uu yahay qof Dowlad diid ah islamarkaana dhowr jeer ka horyimid dowladda Federaalka ah.
Maamulka Jubaland ayaa dowladda Federaalka ah dhawaan ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha maamulka Jubaland.
