Baarlamaanka Carabta oo taageeray Isbahaysiga Badda Cas

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Hindisaha cusub ee uu hormuudka ka yahay Sucuudiga,kaas oo lagu dhisayo Isbaheysiga cusub ee Waddamada Kulaala Badda cas ay yeelanayaan.

Dr. Mishaal bin Fahm Al-Salami, oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in Isbaheysiga ka kooban 7 dal, dhoolatuskii ay ku sameeyeen Jidda iyo qorshaha cusub ee Isbaheysiga uu yahay mid wax ku ool ah.

Isbaheysigan ayaa waxaa  ku wada jira qaar ka mid ah Waddamada Carabta iyo kuwa Afrika, gaar ahaan Waddamada ku yaalla Badda Cas.

Waddamada ku jira Isbaheysigan ayaa waxaa ka mid ah;  Saudi Arabia, Egypt, Jordan, Sudan, Yemen, Djibouti iyo Somalia.

Al-Salami, waxaa uu sheegay in Isbaheysigan uu muhiimad Istiraatiijiyadeed u leeyahay Waddamada Badda Cas,maaddaama Baddaasi sanadkiiba maro 13% Ganacsiga Caalamka.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

SNA Executed 6; Al-shabab Members in Gedo Region

Read Next

Arab Parliament Speaker Welcomes Establishment of Group of Red Sea States