Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la dhaariyay.

Baarlamaanka 2 aad ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha Baarlamaan-goboleedka 2aad ee DG Hirshabeelle, munaasabadda dhaarinta 99-ka xildhibaan ee Baarlamaanku ka kooban yahay waxa joogay guddiga soo xulay xubnaha Baarlamaanka.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo qaarka mid ah odoyaasha dhaqanka ee Soo xulay Baarlamaanka 2 aad ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaan Hirshabeelle ayaa dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka kooban 99 Xildhibaan, halka markii horey ay ka ahaayeen 90 xubnood, hayeeshee dib looga soo daray 9 ka kale oo horey aan loo shaacin, xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle oo noqday ninka ugu da’da weyn waxa uu u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka,

Gudoomiyaha kmg ayaa magacaabay guddi ka 9 xubnood oo ka shaqaynaya doorashada guddoonka Golaha  wakiiladda Hirshabeelle.No description available.Sheekh Cusmaan Barre Maxamed guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirsheelle ayaan ka soo muuqan Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle, Barre oo aan xitaa xildhibaan noqon ayaa loo arkayay in uu kamid yahay dadka gadaal ka riixayay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya gacanta loo galiyo doorashadda Hirshabeelle maadaama ay dhanka siyaasadda ay aad u kala fogaayeen madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Maxaa looga hadlay fadhiga Golaha Wakiilada DG Puntland?

Read Next

Heshiisyada Daaha-gadaashiisa: Kaalinta madaxda DG ee doorashooyinka 2021!