Axmed Meyre: “Ciidanka AL-shabab ee Jidka Jowhar gala Basra ayey joogaan”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan,ayaa waxaa uu ka hadlay amaanka waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Axmed Meyre oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidamada AL-shabaab  ee weerarrada ka geysta Gobollada Shabeellaha dhexe,Shabeellaha hoose iyo Banaadir ay degganyihiin degaanka Basra oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in amaanka dalka ay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka ah loona baahanyahay in ay wax ka qabato sidii Ciidanka AL-shabaab ee deggan Basra looga saari lahaa.

Al-shabaab ayuu sheegay in xilliyada Habeenkii ay galaan jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar weerarrana ka geystaan islamarkaana ku laabtaan degaanka Basra.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in uu wado dadaal wax looga qabanayo arrintaas hayeeshee loo baahanyahay in dowladda Federaalka ah ay kaalinteeda qaadato.
Halkan ka daawo wareysiga guddoomiye Axmed Meyrre oo muuqaal ah

https://www.facebook.com/mustaqbalmedia/videos/1885433925091881/

Mustaqbal media

Read Previous

Djibouti hails ‘new era’ of ties with foe Eritrea

Read Next

Contraband goods from Somalia seized in Dadaab