Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaaa qoraal dheer ka sameeyay qaar ka mid ah Askarta Kenya ee xanuunnada Maskaxda ah ka qaada dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayey warbixintan ku eedeysay in Askarta waxyeellada ka soo gaarto dhimirka aysan helin daryeel fiican beddelkeedana ay la kulmaan shaqo ka eryid iyo cadaadis kale oo ay kala kulmaan dowladdooda.
Askarta dhibaatadaas la kulantay waxaa ka mid ah Christopher Katitu, waxaa uu waardiye ka ahaa Barkoontaool oo ku taalla Magaalada Kismaayo,halkaas oo uu kaligiis ku qornaa 24ka saac.
Intaas waxaa u dheer nolosha qoyskiisa oo uusan ka warqabin, xaaskiisa oo ka careysan,waxaana uu intii uu ku sugnaa barta Koontarool billaabay in uu isla hadlo halkaasna ka qaado xanuunka dhimirka.
Warbixinta waxaa ay xustay in Askarigaasi sababsaday shaqada adag ee uu ku jiray, halka ay ku dambeyenyso noloshiisa, nolosha xaaskiisa ka careysan iyo waxa xigi doona.
Dowladda ayaa fasax siisay,markii uu ku laabtay dalkiisa halkii ay ahayd in la geeyo Isbitaalna waxaa lagu siidaayay qoyskiisa isaga oo dhimirka la’.
Katitu,oo 32 jir ah aya ayiri “ waxaa noloo diraa halkaas si aan dagaal u galno, nalooma diyaariyo sida la isaga daweeyo cudurrada dhimirka”
Kudhawaad sanad oo uu ka maqnaa shaqada Ciidanka ayuu isku dayay in uu shaqadii dowladda dib ugu laabto laakiin waxaa loo sheegay in mar hore shaqada laga eryay islamarkaana uusan ahayn Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF.
Ciidamada Kenya ee uu tababaro Mareykanka kuna jira dagaalka AL-shabaab waxaa qaarkood loo tababaraa wax ka qabashada xanuunnada dhimirka laakiin dowladda Kenya uma sameyso xarumo ay ku shaqeeyaan saraakiisha Caafimaadka sida ay qortay Washington Post.
Inta badan Dagaalka ay Ciidamada Kenya kaga jiraan Soomaaliya waa dhulka, askarta Caawisa ee Mareykanka waxaa ay adeegsadaan diyaarado aan duuliye lahayn, cidda kaliya ee qatarta wajahdana waa Ciidamada Kenya.
Kenya waxaa hadda Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari,kuwaas oo gudaha Soomaaliya soo galay 16kii October sanadkii 2016kii,waxaana ay qeyb ka yihiin hadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
