Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Ugu yaraan 3 ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhintay halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen kaddib qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Dad ku Sugan degmada Kaxda ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in qaraxa uu qabsaday Gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda ee loo yaqaan Danab.

Halkaas oo qaraxa kaddib Rasaas ay fureen uu ku dhintay qof shacab ah sidoo kalena ku dhaawacmeen dad kale.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Mustaqbal Radio,in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Weydoow iyo Macaani.

Saraakiil ka mid ah maamulka Degaanka ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal Radio, dhimashada 4 qof oo saddex ay Askar yihiin midna qof shacab ah yahay.

Mustaqbal media

Read Previous

New UN Envoy met with Puntland President

Read Next

Ciidan ka careysan Mushaar la’aan oo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garowe