Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya
Ugu yaraan 5 Askari oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa ku dhintay halka 10 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Qarax Miino ah loo dhigay Jidka.
War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu xaqiijiyay qaraxa iyo dhimashada Askarta ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya.
Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Gaariga la qarxiyay uu ka mid ahaa kuwa Milatariga Askarta la qarxiyayna ay u socdeen in dadka degaanka ay Biyo u qeybiyaan.
Weerarrada dhinaca Miinada ee ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari ayaa galaaftay nolosha askar badan oo Kenyaan ah.
Arrintaas waxaa ay mar khilaaf ka dhex abuurtay Dowladda Kenya iyo Baarlamaanka dalkaas,waxaana Baarlamaanka ay Xukuumadda ku eedeeyeen in Gawaari aad u nugul soo iibsay isla markaana Askarta ku le’anayaan.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in Geela ay u adeegsan doonto sida Gaadiidka Ciidanka oo kale si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha weerrarada Miinooyinka ah ee ka dhaca dalkaas.
