AS iyo Ciidanka DF oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Xubno katirsan AS ayaa saaka weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Federaalka ay ku leeyihiin Deegaanka Coomaad ee Degmada Matabaan ee Galbeedka Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Deegaankaan waxa uu muhiim u yahay isu gudubka gaadiidka Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Maamullada HirShabeelle & Galmudug waana mid joogitaanka Ciidanka Federaalka xoojinaya nabadgalyada labadaas Gobol.

Dagaal xooggan ayaa la sheegay in uu dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah & AS oo weerarka qaadday si ay gacanta ugu dhigto Deegaankaan oo muhiimad Amni xambaarsan sida wararku sheegayaan.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaaq Ciidan oo ay waddo AS iyada oo arrintaas loo sababaynayo khilaafka siyaasadeed ee taagan iyo howlgalladii Dowladda Federaalka oo garansanaysa macawiisleyda oo hoos u dhacay taasina ay fursad u noqotay AS sida hadalka loo dhigay.

Si dhab ah looma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, cidda sida rasmiga ah gacanta ugu haysa deegaannada lagu dagaalamay iyo jawaab ka timid Maamulka HirShabeelle ee wajahaya culayska siyaasadeed ee dhinaca Siyaasadda ah ee Baladweyne uga imaanaya.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Mustaqbalka Saxaafadda Soomaaliya iyo Garaad Gacmeedka

Read Next

Shacabka Cape Varde oo kala dooranaya 6 musharrax oo isku qaab u ololeeyay