Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray
Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay shirka lagu wado in uu berri ka furmo Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Shirkan ayey Xukuumadda Soomaaliya ku sheegtay mid lagu suuqgeynayo shidaalka Soomaaliya halka dadka ka soo horjeeda ay sheegayaan in shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo.
Warkad ka soo baxday Golaha aqalka sare oo uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha aqalka sare Senatar Ilyaan Cali Xasan, ayaa lagu sheegay in shirkaasi uusan waafaqsaneyn Sharciga Kheyraadka ee Soomaaliya.

