Al-shabab oo qabsaday degaanno ku dhow Balcad

Wararka naga soo garaay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay maanta la wareegeen dhowr tuulo oo hoostaga degmadaas.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Al-shabab lagu arkay degaannada kala ah; Yaaqli, Dhagaxow iyo Mukay Dheere.

Waxaa ay dadku sheegayaan in Ciidanka Al-shabab ay isugu yeereen dadka degaanka kaddib markii ay degaannadaas qabsadeen,halkaas oo ay dadka kula hadleen.

Guddoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Qaasim Furdug,oo aanu la xiriirnay ayaan ka jawaabin wicitaankeenna.

Al-shabab ayaa sheegatay in Ciidamada Dowladda ee degaannadaas joogay  ay u baxsadeen dhinaca Magaalada Balcad.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Germany oo marti galin doonto ciyaaraha EURO 2024.

Read Next

Al-shabab seized Villages near Bal’ad District