MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Dhaq dhaqaaqa Al-shababa ayaa fagaare ku yaalla degaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubada hoose ku dilay Afar Nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, iyo sirdoonno caalami ah.
Afarta qof ee lagu toogtay Kamsuuma ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay;
1-Aweys ismaaciil Aadan oo 25 sana jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, shaqada loo xilsaaray ayey Al-shabaab ku sheegeen in uu gudbiyo lambarrada saraakiisha Al-shabab si loo duqeeyo, Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Aweys uu qaadanayay lacag dhan $50 dollar
2-Cilmi Warsame Cumar oo 22 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu ushaqeynayay hay’adda lagu magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka UK wuxuuna uqaabilsanaa in uu sawirro kasoo qaado deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu qaabilsanaa hagidda diyaaradaha duqeymaha ka geysanaya ,waxaana ay Al-shabaab ku sheegeen in uu qaatay lacag dhan $270 oo dollar.
3-Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sana jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan Jalalaqsi iyo Beled Weyne , shaqadiisa ayey A-shabaab ku sheegeen in uu duqeymaha diyaaradaha ku hagayay mas’uuliyiinta Al-shabaab ee jooga Gobolka Hiiraan,waxaana ay intaas ku dareen in uu qaatay lacag dhan $ 477 dollar.
4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sana jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda Soomaaliya, waxaana shaqadiisa ay ku sheegeen Al-shabaab in uu basaaso madaxda Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Al-shabaab ayaa Arbacadii la soo dhaafay shan qof oo ay midi haweeney ahayd ku dilay degaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen sirdoono kala duwan.
Dowladda Kenya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in saddex ka mid ah dadka lagu dilay Yaaq Baraawe oo ay haweeneyda ka mid ahayd ay Kenyaan ahaayeen.
