Dowladda Suudaan oo Maamulka Puntland ku eedeysay in uu qayb ka yahay colaadda ka jirta Dalkeeda
Milatariga Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo soo gaabiyo AFICOM ayaa faahfaahin ka bixiyey laba duqeyn oo 6-dii Febraayo, 2020, ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd Gobolka Jubba hoose.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarun ay Al-Shabaab lahayd “si weyn loogu burburiyey mid kamid ah duqeymaha”.
“Laba kamid ahaa argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay labadda duqeyn,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AFRICOM.
Talika Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa meesha ka saarey in waxyeelo soo gaarey shacab ay ka dhasheen howlgalka.
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.
Afar maalmood kahor ayay ahayd markii duqeyn Mareykanka uu ka geystay degaano ka tirsan Jubada Hoose la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalame ka tirsanaa Al shabaab.
