Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa faah-faahin ka bixiyay iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulkaas.
Maxamuud Sayid Aadan waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xiligaan hubka ay iska hor jeestaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland oo hal degmo kuwada sugan.
Ma sheegin khasaaraha ka dhashay shaqaaqada dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland, balse waxa uu xaqiijiyay in aan shacabka deegaanka u wanaagsaneen israsaaseyntii maanta dhacday oo kale.
Waxa uu intaa ku daray in Xaaladda Degmooyinka Gobolka Gedo oo muddo aan dheereen xasilooneed balse xiligaan saan-saanka muuqato aan u wanaagsaneen Dadka ku nool Gobolkaas.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland waxa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay go’doomisay shacabka kunool Gobolka Gedo, isla markaana ay gaarsiisay in ay ka xanibto duulimaadka diyaaradaha. Sida uu hadalka u dhigay.
Waa uu sii hadlay Maxamuud Sayid Aadan waxa uu dalbaday in Madaxda Dowladda Federaalka ay dib uga laabtaan go’aanka ay ku wajahayaan Gobolka Gedo, maadaama ay ku sugan yihiin Shacabka ay Madaxda u yihiin.
Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday in aysan ka indho-saaban Xaaladda Dalka oo ay dhaqaale badan ku bixiyeen, sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd dhibaatooyinkii kala duwanaa ee Soo maray sida uu hadalka u dhigay.
Degmada Balad Xaawo waxaa maanta dagaal kooban uu dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maalmihii ina dhaafay xiisad ka dhex aloosan ka taagneed Degmadaas.
