Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Amrullah Saleh, Madaxwayna ku xigeenka dowladii xukunka laga tuuray ee Afqaansitaan ayaa wali dalkaasi ka wada dagaal uu uga soo horjeedo kooxda Taliban, oo hada gacanta ku haysa guud ahaan dalkaasi.
Amrullah Saleh iyo ciidamado uu wato ayaa ku sugan dooxada waqooyiga bari ee dalkaasi ee Panjshir waxa uuna isbahaysi la sameystay hoggaamiye goboleed lagu magacabo, Axmad Massoud.
Saleh ayaa sheegay in uu yahay sii hayaha xilka madaxwaynaha ka dib markii Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.
Ahmad Massoud oo muuqaal soo dhigay Facebook ayaa sheegay in uu ku sugan yahiin Panjshir, dad badanna ay garab ka haystaan.
Dooxada Panjshir ayaa ahayd goob saldhig u ahay dagaalyahandii ka soo horjeeday Soofiyeedka 1980-maadkii.
“Dadku waa in ay ixtiraamaan sarraynta sharciga, maaha in ay rabshado sameeyaan. Afgaanistaan aad bay ugu weyn tahay in Pakistan liqdo waxayna aad ugu weyn tahay in ay Daalibaan xukunto”
Nations must respect the rule of law , not violence. Afghanistan is too big for Pakistan to swallow and too big for Talibs to govern. Don't let your histories have a chapter on humiliation and bowing to terror groups. https://t.co/nNo84Z7tEf
— Amrullah Saleh (@AmrullahSaleh2) August 19, 2021
Kooxda Taliban ayaa dhidibada u sii aasaysa awoodeeda dalkaasi ka dib markii ay dhawaan la wareegeen madaxtooyada Afghanistan ee Kabul ku taalla.
Magaalada Jalalabad, waxaa ay si adag uga hortageen dibadbax looga soo horjeeday Taliban, halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen tiro dad ah.
Waxaa sidoo kale jiro warar sheegaya in gobolka Kunar lagu dhaawacay illaa 3 dhilinyaro ah.
Dhanka kale madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku sii sugnaan donaan Afghanistaan, illaa waqtga kama dambeysta ee loo qabanayo, iyo in haddii loo baahdo waqti dheeraad si qof walba oo Mareykan ah oo dalkaasi ku sugan halkaasi looga soo saaro.
Wareysi uu siiyay telefishinka ABC News, Joe Biden waxaa uu ku sheegay in Taliban ay fasaxayaan dadka Mareykanka ah in ay dalkaasi ka so baxaan, balse ay dhibaato kala kulmayaan sidii dalka looga soo saari lahaa dadka reer Afqaanistaan ee Mareykanka horey ula soo shaqeeyay.
Waxaa lagu qiyaasay tirada dadka doonaya in dalkaasi laga soo saaro 80,000 oo qof oo isugu jira muwaadiniin Amerikan ah iyo afqaanistaaniyiin.
