Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen markii Koox hubeysan ay weerarkaas ku qaadeen dad lagu sheegay in ay xoogsato ahaayeen.
Dilka afarta qof ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Bulacle oo dhinaca Koofureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Degaankaas waxaa waayadan ka jiray dagaallo u dhaxeeyay labo malleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega,kuwaas oo bilihii la soo dhaafay dagaallamayay.
Dadka degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in afarta qof ee la dilay aysan ka tirsaneyn labada Beelood ee degaannadaas ku dagaallamayay bilihii la soo dhaafay.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay afarta qof oo ka sheegay in ay xoogsato ahaayeen degaankana u tageen in ay shaqeystaan.
