Iiraan oo maanta aas qaran u samaynaysa Saraakiisha iyo Seynisyanadii Nukliyeerka

Dowladda Iran ayaa maanta martigelineysa aaskii qaran ee ugu weynaa tan iyo sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo la aasayo in ka badan 60 qof oo ay ku jiraan taliyayaal ciidan iyo saynisyahano ku naf waayay dagaalkii 12-ka maalmood qaatay ee Israa’iil la galeen.

Telefishinka qaranka Iran ayaa baahiyay xaflad lagu soo bandhigay taariikhaha dadkii geeriyooday, waxaana isku soo baxay boqolaal ruux.

Saraakiisha maanta la aasayo waxaa kamid ah Mohammad Bagheri, Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca, Hossein Salami, Taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, Amir-Ali Hajizadeh, Madaxa Ciidanka Hawada iyo Hawada Gantaallada.

Dadka dhintay waxaa sidoo kale lagu sheegay inay ku jireen shaqsiyaad muhiim ah oo ka shaqaynayay barnaamijka nukliyeerka Iran, kuwaas oo lagu tilmaamay muruqii iyo maskaxdii difaaca Iran.

Dowladda Iran ayaa ballanqaadday in ay u aari doonto saraakiishan sar sare oo ka tirsana ciidankeeda iyo seynisyahanada.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

Read Next

Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda oo tagey furimaha hore ee dagaalka AS