Duqeymo culus oo ka dhacay gudaha magaalada Aadan Yabaal

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ay duqeymo ka fuliyeen guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guriga la duqeeyay uu shir uga socday xubno ka tirsan AS, isla markaasna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.

Ma cadda weli waxa rasmiga ee ka socday gurigaasi, balse waxaa ay duqeynta ku soo aadeysa xilli maalmihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada Caalamiga xoojiyeen duqeymaha ay ka fulinayaan deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe.

Mustaqbal

 

 

MM News

Read Previous

Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlay dagaalka Iran

Read Next

Kaalinta Soomaaliya ku laheyd xurnimada dalka Jabbuuti