Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeymo ka fuliyay dhulka Buuraha ah ee gobolka Bari.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Xubnaha Daacish.
“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.
Qoraalka oo sii socda ayaa waxaa lagu yiri “Wasaaradda gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa iskaashigan, waxayna xaqiijinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka adkaano argagixisada”
Hadalka Wasaaradda Difaaca ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland ay howlgallo ka wadaan buuraha gobolka Bari.
Mustaqbal
