Yemen oo beenisay wararka sheegaya in safaaraddeeda Soomaaliya la iibinayo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Yemen ayaa si cad u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in dowladda Yemen ay damacsan tahay in ay iibiso dhismaha safaaraddeeda ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo qeyb ka ah olole lagu dhaawacayo sumcadda iyo shaqada diblomaasiyadeed ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen, Shaea Mohsen Al-Zendani, ayaa war uu siiyay warbaahinta gudaha Yemen ku sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo si gaar ah loo abaabulay oo aan sal iyo raad toona lahayn. “Waxay isku dayayaan in ay meel uga dhacaan hawlaha wasaaradda dibedda iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan la leenahay dalalka kale,” ayuu yiri Al-Zendani.

Wasiirku waxa uu sheegay in xafiiskiisu uu helay su’aalo badan oo kaga yimid warbaahinta kuwaasoo ku saabsan wararka sheegaya iibka dhismaha safaaradda, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax qorshe ah oo ay dowladda Yemen ku iibinayso ama ku kireynayso hantideeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Wararkaas waa dacaayad sal-la’aan ah,” ayuu yiri Wasiir Al-Zendani, isaga oo sidoo kale ku booriyay warbaahinta in ay masuuliyad iska saaraan warka ay baahinayaan.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeya Suuriya iyo Imaaraadka Carabta oo dib u bilowday

Read Next

Labo ruux oo lagu dilay gobolka Mudug