Duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeya Suuriya iyo Imaaraadka Carabta oo dib u bilowday

Imaaraadka ayaa maalintii Isniinta ku dhawaaqay in uu dib u bilaabayo safarka hawada ee Suuriya, taas oo muujinaysa in labada waddan ay ka wada shaqeynayaan dhamaystirka nidaamka lagama maarmaanka ah ee dib u bilaabista duulimaadyada caadiga ah.

Go’aankan ayaa daba socday booqasho rasmi ah oo uu Abu Dhabi ku tagay madaxweynaha Suuriya Axmad al-Sharaa Axadii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, diyaaradda Suuriya ayaa Maalintii Khamiista xaqiijisay in duullimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyay Suuriya iyo Imaaraadka ay dib u billaaban doonaan, iyagoo isku xiraya Dimishiq iyo Dubai iyo Sharjah wajigii hore.

Duulimaadyada Sharjah waxay shaqayn doonaan Axadaha, Talaadada iyo Jimcaha waxaana ugu dambeyntii la bixin doonaa maalin kasta, halka duulimaadyada ka imanaya Dimishiq ilaa Abu Dhabi ay socon doonaan Talaadada iyo Jimcaha.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada Puntland oo hawlgal ka fuliyay Buuraha isku xira togaga Miraale iyo Moqor

Read Next

Yemen oo beenisay wararka sheegaya in safaaraddeeda Soomaaliya la iibinayo