Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”
Wararka ka imanaaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta uu ka furmayo Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gooleedyada.
Sida ka muuqato Boorarka madaxda Golaha Iskaashiga waxaa lagu soo koobay Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.
20-23 bishaan oo maanta ka bilaabaneysa ayuu shirka ka socon doonaa Magaalada Garoowe, waxaana markii ugu horreysay Boorka Golaha Iskaashiga laga reebay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Gudoomiye ku xigeen u ah.
Sababta ayaa loo badinayaa in ay tahay Heshiiskii uu la galay Dowladda Federalka iyo dhaliilihii uu u jeediyay Golahaan intii ay jireen Magaalada Nairobi oo ay kulamo gaar gaar ah la qaadanayaan Xubno ka socda Beesha Caalamka.
Madaxweyne Waare ayaa dhowaan sheegay in aan jirin Shuruud ka reebeysa ka qaybgalka shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, maadaama Golahaan uu Xubin ka yahay.
Heshiisyada Shaqsiga uu la gaaray Dowladda uu ka fiiriyay Maslaxada Deegaanada Hir-Shabeelle, sidaa awgeed Xubnaha Dowlad Goboleedyada uu ka dhaadhicin waayay Waxyaabaha ku qasbay heshiiska, sidaa awgeed isna uusan ku qasbeyn in uu baajiyo heshiiska.




