Maraykanka oo duqaymo culus ka fuliyay Gobolka Bari

Diyaaradaha Duulliye la’aanta Maraykanka ayaa xalay waqti dambe duqeymo culus ka fuliyay buuraha calmiskaad Gobolka Bari halkaas oo saldhig u ah xubno katirsan Daacish, Puntland & AFRICOM weli war kama soosaarin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Weerarka cirka ah waxa ay wararku sheegayaan in dhowr jug la maqlay iyada oo kaddib dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada difaaca Puntland iyo Daacish uu ka qarxay goobta la duqeeyay sida ay sheegeen saraakiil katirsan laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedkaas.

Maraykanka ayaa marka uu fuliyo duqayn dib ayuu kasoo sheegaa faahfaahinta waana tan dahaareysa in xog dhammeystiran laga helo sida khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu gaarsiisan yahay, cidda sida rasmiga ah loo beegsaday & haddii Dad rayid ah wax gaaray.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqaymaha Diyaaradaha Maraykanka iyo Imaaraatka ay door firfircoon ka qaateen howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Gobolka Bari, halka ciidamada difaaca ay sameeyeen weerar dhulka ah.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

MW Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelaha dhexe

Read Next

Diyaaradda casriga ah ee Akinci oo maanta howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabeysa Soomaaliya