Fallaago hoostagta Daacish oo 44 ruux ku laayay masjid ku yaalla Dalka Niger

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay masaajid ku yaalla tuulada Fonbita ee gobolka Kokorou, koonfur-galbeed ee dalka Niger. Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, weerarka waxaa geystay kooxo ka tirsan  Daacish.

Wasiir Toumba ayaa intaa ku daray in weerarka uu sidoo kale sababay 13 qof oo dhaawac ah, afar ka mid ahna ay xaaladoodu aad u daran tahay. Weerarkan naxdinta leh ayaa keenay in dowladda Niger ay ku dhawaaqdo saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, taasoo bilaabanaysa maanta.

Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka geystay, iyadoo dowladda ay ballanqaadday in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha.

Warar dheeraad ah ayaa laga sugayaa baaritaanka socda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Militariga Suudaan oo dib ula wareegay Xaruumaha Dawladda

Read Next

Maamulka Gobolka Banaadir oo 20 neef oo Geel ku wareejiyay Ciidanka Federaalka & Macawiisleyda