Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran
Sharikadda Diyaarada Dalka Kenya ee ay dowladda leedahay ee Kenyan Airways ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in ay duullimaadyo toos ah ka billowdo Muqdisho iyo Nairobi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii todobaadkii la soo dhaafay sharikadda ay tartanka ku wada jiraan ee Ethiopian Airways ay shaacisay in 2da Bisha soo socota ay si rasmi ah u billaabeyso duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Adis ababa.
Guddoomiyaha Kenyan Airways Michael Joseph, ayaa sheegay in ay billaabeen qorshaha duullimaadka Muqdisho iyo Nairobi ee tooska ah.
Waxaa uu sheegay in duullimaadkaas uusan saameyn ku yeelan doonin duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways ee Mareykanka.
Waxaa uu sheegay in Sharikadda diyaaradaha iyo Maamulka Garoonka diyaarada ee Joma Kenyatta ay ka wada shaqeynayaan arrintaas.
