Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Tababaraha u dhashay Dalka Spain ee Josep Pep Guardiola ayaa si diiran uga hadlay guuldarrada xiriirka ku noqotay ee Kooxdiisa kasoo gaartay Horyaalka Ingiriiska oo 3 jeer laga adkaaday & kulankii ugu dambeeyay horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions League.
Afartaas guuldarro ee xiriirka ah waxa ay diiwaanka taariikhda gelisay Macallinkaan Kooxda dhaqaalaha badan leh ee Manchester City gacanta u geliyay 4tii sano lasoo dhaafay Koobkaan loo tartamayo ee Premier League.
Pep waa macallinkii Kooxda Manchester City ka saaray liiska Naadiyaasha aan ku guuleysan Horyaalka Qaaradda Yurub ee Uefa Champions League, sanad kahor ayuu dhigay in uu qaaday dhammaan koobabkii Kooxdu dheeshay.
Si uu isaga jeediyo indhaha lagu hayo guuldarrooyinkaas xiriirka noqday ayuu sheegay in ay u muuqdaan in sanadkaan ay isaga harayaan u tartamidda Horyaalka Epl-ka ee 2024/25 inkasta oo aanay jirin dhibco badan oo naadigiisa quus ka gelin kara loolanka socda.
Maamulka Sare ee Kooxda Kubadda Cagta Manchester City ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Macallinkooda oo wax badan u suuragalay tan iyo markii naadigaan loo dhiibay, balse dhaawacyada ciyaartoyda qaar ayay ku sababeeyeen hoos u dhaca ku yimid.
Mustaqbal
