Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Berri oo Isniin ah waxaa jira kulanka wadajirka ah ee Labada Gole Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa Mudaneyaasha labadaan Aqal loo diray ajendaha oo ah mid looga hadlayo Doorashooyinka, Xisbiyada & Ururrada Siyaasadda.
Sida caadiga ah waxaa Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka loosii diraa ajandaha kulanka dhacaya si ay ugu sii diyaargaroobaan qodobada ay doodaha ka qabaan, waxa ay rabaan in ay wax ku daraan iyo la socodka fadhigaas waxa uu ku saabsan yahay.
Xildhibaannada & Senatarrada ayaa si wadajir ah loo gaarsiiyay in ay fadhigaan muhiimka ah soo xaadiraan si ay kaalintooda ugu qaataan qorshaha geedi socodka Doorashooyinka Dadweyne ee looga guurayo tan dadban.
Inkasta oo ay jiraan Xildhibaanno iyo Senatarro ka maqan Magaalada Muqdisho balse Guddoonka ayaa hubinaya marka la gaaro saacadda furmashada si loo ogaado in uu kooramka dhan yahay si fadhiga uu u furmo.
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u codeeyay in bil kamid ah labada bilood ee fasaxa ay u leeyihiin ay siiyaan howlaha qaranka ee horyaalla maadaama uu ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
