Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa gelinkii danbe ee xalay soo magacaabay golihiisa Wasiirada ee Cusub, Waxaana ka dhex muuqda xubno badan oo katirsan Maamulkii AHlu-Suna.
Axmed Ducaale Geele (Xaaf), ayaa soo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 25 Wasiir, waxaana Wasaaradaha ugu muhiimsan loo dhiibay xubnaha Ahlu-sunna Waljamaaca oo heshiis kadhacay Jabuuti kula midowday dowlad-goboleedka Galmudug.
War Saxaafadeedka magacaabista ayaa muujinaya in Wasiiradan laba kaliya ay ka yihiin Haween, halka 23ka kalena ay yihiin Rag.
Magacaabistan, waxey ku soo beegmeysaa iyadoo Khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Madaxda Sare ee Galmudug oo u kala jabay Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado.
Halkan ka Aqriso Magacyada Wasiirada iyo Xilalkooda:
- Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose
- Mudane Cabdi Maxamed Fiidow :Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka .
- Mudane Saciid Siyaad Shirwac : Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqalaha
- Mudane Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim: Wasiir Wasarada Amniga Gudaha
- Mudane Cabdikaafi Maxamed Maxamuud: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah
- Mudane Cabdi Cabdimaciin Amaan Sheikh Cali: Wasiirka Dib u dajinta iyo daryeelka Agoonta iyo Naafada
- Mudane Sharaf Maxamed Cali: Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda
- Mudane Mahad Cabdulahi Xuseen: Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo guriyeenta
- Mudane Ibraahim Xuseen Guurey: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha
- Mudane Maxamuud Aadan Cisman :Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
- Mudane-Cabdulaahi Cali Maxamed: Wasiirka Wasaarada Gadiidka cirka iyo Dhulka
- Mudane Maxamed deeq cabdi Falko: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada
- Mudane Aadan Xasan Gardheere:Wasiirka Wasarada Boostada iyo isgaarsiinta
- Mudane Axmed Dhiblaawe Casir:Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo xanaada xoolaha
- Mudane Maxmed Xuseen Maxamed:Wasiirka Wasaarada bii’ada dhirta iyo daaqa
- Naciimo Maxamed Maxmuud :Wasiirada Wasaarada Caafimaadka
- Dahabo Cabdi Maxamed :Wasiirka Wasaarada Haweynka iyo Xaququl insaanka
- Bashiir Maxamed aw cali Maxamed:Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
- Abshir Cabdi Shiiqow :Wasiirka Wasarada Dastuurka
- Axmed shire Maxamuud :Wasiirka Wasarada Biyaha iyo korontada
- Daahir Shidane Cabdi:Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha
- Feysal Abshir Nuur :Wasiirka wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda
- Cabdiraxiim Xaaji Faarax Xirsi :Wasiirka wasaarada Qurba Joogta dalxiiska iyo dhiiragalinta iyo maalgashiga
- Asad Badal Cilmi Xaashi:Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka
- Abdishakuur Macalin Ciise Xashi:Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta


