Marek Hamšík oo iska diiday inuu ku biro kooxda Juventus.

Kabtanka kooxa Napoli ayaa ku gacanseyray dalab uu ka helay kooxda Juventus ee ka dhigan gudaha dalka Taliyaaniga.

Gonzalo Higuaín ayaa Juventus u wareegay xagaagii sanadkii 2016-ka xilligaas oo uu 75 milyan oo gini uga wareegay kooxda Napoli waxa uuna haatan amaah ugu joogaa AC Milan.

Marek Hamšík ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu dalab ka helay kooxda Juve isla markaana uu ku biirayo wuxuuna yiri “aad ayaan uga xumaa in Gonazalo ka huleelo Napoli balse waan tix gilinayay go`aankiisa.

”Balse aniga lagama yaabo in aan Napoli aan Juventus uga wareego waligeey” ayuu yiri Marek Hamšík

Talaabadii Gonzalo Higuaín uga wareegay Juventus ayaa dhalisay isku dhac dhexmaray taageerayaasha Juve iyo Napoli xilli taageerayaasha Napoli gubeen maaliyaddii Gonazalo.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Barcelona oo kusii badaneysa musiibada dhawacyada xidig kale oo ka dhaawacmay.

Read Next

Mohamed Salah Oo Dhaawac Ka Soo Gaaray, Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?