Barcelona oo kusii badaneysa musiibada dhawacyada xidig kale oo ka dhaawacmay.

Dhibaatada dhaawacyada ayaa kusii badaneysa kooxda reer Catalan ee Barcelona markanna xidig wayn ayaa ka dhaawacmay.

Intii lagu jiray kulankii u dhexeeyay xulalka Belgium-Switzerland kana tirsanaa tartanka UEFA National League  ayaa waxa uu dhaawac soo gaaray xidiga Thomas Vermaelen kaas oo Barcelona ku sii riday madax xanuun kale.

Daafaca dhexe ayaa ka baxay ciyaarta daqiiqadii 73-aad kadib markii uu dhaawacmay isaga oo aan cidna kubada kula loolamin taas oo keentay in uu si toos ah u aado qolka labiska.

Baaritaanka ayaa lagu ogaan doonaa nooca dhaawaca laakiin wargayska MARCA ayaa haatanba sheegaya in uu xiddigu seegi doono kulamada yar ee soo socda ee kooxdiisa.

Vermaelen oo uu soo gaaray dhaawac muruqa ah ayaa ku bilowday kulamadii kooxdiisa Barcelona ee Valencia iyo leganes isaga oo labadaas kulanba ka ciyaarayay daafaca Bidix.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka kooxda Monaco.

Read Next

Marek Hamšík oo iska diiday inuu ku biro kooxda Juventus.