Wafdi ka socda Dowladda Qadar oo Muqdisho soo gaaray.

Wafdiga Dowladda Qadar ee soo Gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Dalkaasi.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa loo galbiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ah ujeedka ugu wayn ee wafdigaan soo gaaray Muqdisho sida Mustaqbal Radio Wararka ay ku heleyso.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Ku sugan Xarunta Wasaaradda Difaaca ayaa loo diyaariyay soo dhoweynta Xubnaha ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qadar.

Marka ay kasoo dhamaadaan Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa Wafdiga loo galbinayaa Madaxtooyada Soomaaliya si ay ula kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Inta Badan Waddooyinka Waa wayn ee Magaalada Muqdisho waxaa Xiray Ciidamada Dowladda Federaalka.

Gaadiidka iyo Dadka ayaa loo diidayaa in ay maraan Waddooyinka ka agdhaw Dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ku jiraan Wafdiga Qadar ka socda.

Dowladda Federaalka iyo wafdiga Qadar ayaa la filayaa in Saacadaha Soo socdo ay si wadajir ah warbaahinta ula hadlaan si ay faah-faahin dheeraad ah u siiyaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday Askar lagu eedeeyey in ay aag dagaal ka baxeen.

Read Next

Arsene Wenger oo shaqo cusub ka bilaabaya horyaalka France.