HORDHAC: Tottenham vs Barcelona+Safafka Macquulka ah.

Naadiga Barcelona ayaa cwa mudo kadib u ciyaaridoonta garoonka Wembaley oo ay ku booqan doonaan kooxda Tottenham.

Catalan ayaa guul weyn gaartay kulankii daah furka tartanka markii ay xasuuqeen kooxda PSV Eindhoven, halka Spurs guuldarro lama filaan ah ay waqti dambe kasoo gaartay Inter Milan.

 Tartanka: Champions League.

 Waqtiga: 10:00 pm ( SGA )

 Garsooraha: Felix Zwayer  ( Germany )

 Garoonka: Wembley Stadium

 Wararka Labada Koox.

Tottenham ayaa weyn doonta Christian Eriksen iyo Dele Alli kulanka ay maanta wajaheyso kooxda Barcelona koobka Champions League.

Eriksen ayaa qaba dhaawac calooshaa iyo Alli oo ka dhaawacan muruqa, halka Jan Vertonghen uu isna ka dhaawacan yahay muruqa iyo Mousa Dembele oo bowdada dhib ka qaba ayaa sido kale seegaya kulankan.

Goolhayaha Hugo Lloris ayaa diyaar u ah inuu cayaaro kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac bowdada ah.

Dhanka Barcelona waxaa kulanka ka ganaaxan daafaca Samuel Umtiti kasoo casaan qaatay kulankii kowaad, halka uu dhaawac isna ku maqan yahay Sergi Roberto.

 Xaqiiqooyinka Kulanka.

Barcelona ayaa qasaartay kaliya hal cayaar 11koodii kulan ee ugu dambeeyay Champions League oo ay la cayaareen kooxaha England (8, guul iyo 2 barbaro ). Dhigeeda, iaygu wax guul ah magaarin labadii booqasho ee ugu dambeysay England dhammaan tartamada (kulan barbaro, iyo kulan qasaraa), barbaro 1-1 waxay la gashay kooxda Chelsea xagaagii hore iyo guuldarro 3-1 oo ay kala kulantay Manchester City xili cayaareedkii 2016-17.

Tani waa kulankii seddaxaad oo dhexmara kooxaha Tottenham iyo Barcelona iyo kulankii ugu horreeyay tan iyo bishii April 1982 markaa oo ku kulmeen afar dhamaadka koobkii Cup Winners’ Cup, waqtigaana Barcelona ayaa ku adkaatay 2-1

Spurs ayaa guuleysatay dhammaan seddaxda kulan ee gurigooda xagaagii hore kulamada heer group-yada koobka Champions League, waxayna dhaliyeen kulankiiba seddax gool.

Pochettino ayaa guul gaaray mar kaliya sagaalkii kulan ee lasoo dhaafay uu la cayaaray Barcelona isagoo macalin ah dhammaan tartamada (3 barbaro, iyo 5 guuldarro), dhammaan kulamadaa wuxuu la cayaaray waqtii uu leylinayay kooxda Espanyol.

Shaxda Macquulka ah.

 Tottenham: Lloris; Trippier, Vertonghen, Alderweireld, Davies; Dembele, Dier; Moura, Eriksen, Lamela; Kane.

 Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Lenglet, Pique, Alba; Busquets; Coutinho, Rakitic, Vidal, Messi, Suarez.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Man City Oo guul soo daahday ka gaartay Hoffenheim.

Read Next

HORDHACA:Napoli vs Liverpool+Xaqiiqooyinka Kulanka.