Virgil Van Dijk oo seegi kara kulanka Chelsea, Sabab?

Daafaca kooxda Liverpool Van Dijk aya shaki weyn la galiyay taam ahaan shihiisa kulanka adag ee ay la ciyaaridoonaan Chelsea.

Daafacan oo dhaawac ku seegay kulankii Carabao Cup-ka ee Arbacadii ayaa si maldahan u sheegay in uu taam u yahay in uu markan ka hor tago kooxda chelsea kulanka cwa.

Kooxaha Liverpool iyo chelsea ayaa markii 2-aad kulmi doona muddo 6 maalmood ah gudohood iyaga oo markan isaga hor iman doona kulan ka tirsan horyaalka  premier league ah kana dhici doona Stamford Bridg.

Xiddiga ayaa bogiisa Instegram-ka ku soo qoray” Waxa aan diirada saarayaa kulanka weyn ee  ka dhici doona Stamford Bridge ee aan la ciyaari doono chelsea”.

Hadii uu xiddigan taam u noqdo kulankan waxa ay u noqon doontaa farxad weyn tababare Klopp iyo taageerayaasha Reds maadama uu xiddigu muhiim ka yahay kooxda Liverpool.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Cristiano Ronaldo oo loo ogolaaday in uu ciyaaro kulanka Manchester United.

Read Next

Fabregas Oo go’aan cad ka gaaray mustaqbalkiisa Chelsea, Miyuu baxayaa?