Sucuudiga oo sameeyay Tareen isku xiraya Maka iyo Madiina,Sawirro

Dowladda Sucuudiga ayaa Talaadadii shalay xarrigga ka jartay dhismaha Tareen Ku shaqeeya Korontada oo ka shaqeeya inta u dhaxeysa  Magaalooyinka Barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Tareenkan ayaa waxaa uu sanadkii qaadi doonaa 60 Milyan oo Qof,waxaana uu qeyb ka qaadan doonaa sare u kaca dhaqaalaha dalka Sucuudiga.

Boqor Salmaan oo gelaya Tareenka.

Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu xarigga ka jaray Tareenkan oo waddadiisa la dhameystiray,waxaana ku baxay qarash gaaraya $7.87Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Tareenkan ayaa saacaddiiba jaraya 300KM,waxaana labada magaalo oo isu jira 450KM uu ku tagi karaa wax ka yar hal saac iyo bar.

Dowladda Sucuudiga ayaa dooneysa in dhaqaalaha dalka eek u tiirsan shidaalka ay ka weecato una leexato dhinaca dalxiiska.

https://hiiraan.com/images/gallery/2018/sept/
Boosteejada Tareenka ee Magaalada Jidda.

Wasiirka Gaadiidka Dalka Sucuudiga Nabil al-Amoudi, oo munaasibadda furitaanka ee ka dhacday boosteejada Tareenka oo ka dhacday Magaalada Jidda ayaa sheegay in Muslimiinta uu waqti yar uga bixi doono inta u dhaxeysa Maka iyo Madiina,waxaana uu intaas ku daray in dowladda iska xil saartay u adeegidda Dadka Islaamka ah.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in 2017kii 20Milyan oo Ajannabi  dalxiisayaal ah, 2 Milyan oo Xujey ah, iyo 6.7 Milyan oo cumro gudanayay ay tageen dalkaas.

Qiyaasta Qaranka Sucuudiga ayaa muujineysa in sanadka 2020ka ay Cumro tagi doonaan 15 Milyan oo qof,halka 5 Milyan ay Xaj u tagi doonaan.

Tareenka ayaa ku soconaya waddo ku dhow Badda Cas.

Tareenkan ayaa loo sameeyay 5 Bosteejo oo uu dadka ka qaadi doono,waxaana ay kalayihiin Maka,Madiina, Jiddah, Makkah, King Abdullah Economic City iyo  King Abdulaziz International Airport

Mustaqbal media

Read Previous

Derby County Oo Old Trafford ku xasuuqday United.

Read Next

Man City oo guul fudud ka gaartay Oxford United.