Derby County Oo Old Trafford ku xasuuqday United.

Kooxda Man United ayaa xalay gurigeeda lagu xasuuqay waxaana guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Derby County.

Jose Mourinho ayaa shaxdiisa ku sameeyay is badal isaga oo nasiyay xiddigaha muhiimka u ah kooxdiisa una dhigtay kulamada tartamada champions League iyo premier League ee soo socda.

Dhanka kale Lampard ayaa ka hor yimid tababarihiisii hore isaga oo haatan dhankiisa koox tababare u ah oo hogaaminaya iyaga oo u dagaalamayay wareega 4-aad ee tartanka.

Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay kulanka iyaga oo qaadayay weeraro halis ah halka kooxda Derby lafteedu ayna wacdaro yar dhigayn iyada oo halis galinaysay goolka Man United.

Red Devils ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay dhaliso goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Juan Mata kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 daqiiqadii 3-aadba.

Derby ayaa dhankeeda sii waday dadaalka halka ay United lafteedu heshay fursado aad u fiican oo goolal laga dhalin karo laakiin Romalu Lukaku ayaa gool si la yaab leh uga khasaariyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United hogaaminayso kulanka waliba labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo lala dhacay.

Qaybtii dambe ayay kooxda Derby ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay sideey u dhalin laahaayeen goolka bar-baraha ka hor inta ayna wakhti dambe noqon.

Daqiiqadii 59-aad ayay Derby heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu laad xor ah oo cajiib ah u dhaliyay xiddiga Harry Wilson amaahna uga maqan kooxda Liverpool.

Kooxda Man United ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 67-aad kadib markii kaarka cas loo taagay Goolhaye Sergio Romero kaas oo meel ka baxsan  dilinta ganaaxa gacanta ugu qabsaday kubada.

Kooxda Derby ayaa heshay goolka 2-aad daqiiqadii 86-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Jack Marriott kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Derby kulanka ku hogaaminayso.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayuu xiddiga khadka dhexe ee Fellaini  kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro garoonkeeda kaga soo gaadha kooxda Derby isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Ugu dambeyntii rigoorayaal loo dhigay waxaa 7-8 kuso baxday Derby.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Xildhibaan Mahad Salaad: ‘Dhalinyarada yaan la marin habaabin!’

Read Next

Sucuudiga oo sameeyay Tareen isku xiraya Maka iyo Madiina,Sawirro