Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.
Qalbi-dhagax oo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta iyo dadweynaha Somaliland kula hadlay Magaaladaas ayaa sheegay in Hoggaanka ugu sarreeya Jabhadda ay maalmaha soo socda booqan doonaan Hargeysa.
Waxaa uu sheegay in uu salaam ka wado Hoggaamiyaha Ururka ONLF Admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo Xoghayaha guud ee Ururka C/raxmaan Sh. Mahdi Maaddeey,kuwaas oo tagaya Hargeysa.
Qalbi-dhagax ayaa sheegay in dhamaan Gobollada Soomaalida uu tagayo kana billaabay Hargeysa,halkaas oo maanta lagu soo dhaweeyay.
