Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Genaral Odawaa Yuusuf Raage oo ka qeybgalay munaasbad ka dhaceysay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amarro dul dhigay Askarta Hubka ku dhex wadata Magaada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka ayaa sheegay in looga baahan Askarta ku labisan dareeska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay iska soo dhigaan dharka Ciidanka iyo qoryaha marka ay soo galayaan Magaalada iyo marka ay doonayaan in ay booqdaan reerahooda.
Isaga oo arintaas ka hadlayay waxa uu yiri “Marka ay soo galaan Ciidanka waa in aysan aadin xaafadahooda, taliska Xamar ugu yaala waa in ay yimaadaan, waa in ay Hubka iyo dareeska dhigaan ka dib waa in ay xaafadahooda aadaan” sida uu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha oo ka hadlayay sababta awaamiirtaan keentay ayaa yiri “Si loo yareeyo Amni darrada magaalada ka socota, si loo ilaaliyo sharafka dareeska Ciidanka si loo dhis kalsnoonida ay Bulshadeena ku qabi karaan Ciidanka” ayaa qeyb ka ah bixidda awaamiirta la dul dhigay Askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayay Saraakiisha Ciidanka oo ay goobjoog ka aheed Maxkamadda Ciidanka, ayaa sheegay in Askarigii lagu arko isaga oo magaalada ku dhex wata dareeska Ciidanka in uu la mid yahay kii wax dhacaayay, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka.
Awaamiirta uu maanta baxshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa timid ka gadaal markii ay waayadaan ay soo bateen Askar ku labisan dharka ciidank Xoogga, kuwaas oo u geesta dhac Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Mustaqbal
