Muxuu Noqon doonaa Mustaqbalka Bankiyada Soomaaliya.

Sida aan la socdo Dowladda Soomaaliya waxa ay siisay Ruqsad ay uga shaqeystaan Soomaaliya laba Bank oo Ajaanib ah, kuwaas oo laga leeyahay waddamada Turkiye iyo Masar.

Labada Bank waxaa la kala yiraahdaa, Ziraat Bank iyo Bank of Misr.

  1. Ziraat Bank ( Bankiga |Beeraha).

Waxaa la aasaasay 1863-kii oo ah 159 sano ka hor, waxaana iska leh 100% Dowladda Turkiye. 2018-kii  waxaa uu lahaa, 1773 laamood, waxaa uu ka hawlgalaa 18 waddan oo uu ku leeyahay 108 laamood, dakhligiisa waa 24.554 billion Liire oo ah lacagta Trukiye, waxaa u shaqeeya; 24,647.

  1. Bank of Misr

Waxaa la aasaasay 1920-kii oo ah 102 sano ka hor, waxaa iska leh Dowlada Masar 100%, waxaa uu leeyahay 590 laamood, dakhligiisa waa 3.383 billion oo lacagta Masar ah, waxaa uu leeyahay 14,500 shaqaale, Bankiga waxaa laamo ku leeyahay waddamada ay ka midka yihiin UAE iyo France.

Bankiyadaan la siiyey Ruqsada waxaa ay in mudo raadinayeen sidii ay ku heli lahaayeen ruqsadda ay heleen, waxaana la sheegey in dowladdii hore ay aad iyo aad uga war wareegtey in ay siiso Ruqsada. Dhanka kale waxaa la sheegey in Bankiyada Soomaaliyeed, aan talo gelin fiican lagala yeelanin, Ruqsad bixinta Bankiyada Ajnabiga ah iyo saameynta ay ku yeelan doonto.

Go’aanka lagu siiyey Ruqsada waxaa uu u muuqdaa mid  siyaasadeed, marka aad fiirisid deg degta ay dowladda cusub ku bixisay, iyada oo xitaa weli xukuumadii la dhisin.

Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, oo arintaan ka hadlay waxa uu sheegay, in Bankiyada Ruqsadda la siiyay ay ka shaqeyn doonaan waxa loo yaqaano Corporate Banking, oo ah in ay u shaqeyn doonaan shirkadaha iyo ururrada, waxaana ay qaban doonaan shaqo Banki noocyadeeda kala duwan , sida diridda lacagaha, TT, Deyn bixin, Maalgelin, taas oo ah shaqo weyn oo ay qaban jireen Bankiyada Soomaaliyeed

Bankiyada Soomaaliyeed, waa Bankiyo curdan ah, aan marnaba la tartami Karin Bankiyadaan jiray in ka badan 100 sano, isla markaana ay leeyihiin dowlado heysta dhaqaale ballaaran. Bankiyada Soomaaliyeed waxaa ay ku shaqeeyaan kuna shaqeeynayeen duruufo aad iyo aad u adag, oo ka dhashay deganaansha la’aantii ka jirtay waddanka, waxaana ay dadka Soomaaliyeed siiyaan adeeg Bank, waxaana ay u baahan yihiin in dowladda Soomaaliya ay siiso furas ay ku koraan, taas oo aheed  inaan lagu soo fasaxin Bankiyada Shisheeye ee heysta dhaqaalaha iyo awooda kale ee ballaaran.

Waxa aan shaki ku jirin, in arintaan ay saameyn taban  ku yeelan doonto Bankiyada iyo Ganacsiga Soomaaliyeed, taas oo ah qeybta kaliya ee ku jirtey gacanta dadka Soomaaliyeed, waayo ganacsiga ayaa ahaa waxa kaliya ee gacanta dadka Soomaaliyeed ku jiray, haddii asigana ka baxo, waxaa dhici doonto in wadankeena dhammaantiis qeybihiisa kala duwan ay Ajaanib la wareegaan, annagana aan noqon doono muwaadiniin wadankoodi lagu maamulayo.

Dhaqaalaha ugu ballaaran ee wadankeena soo gala waa lacagta Xawaalada ee ay soo diraan dadkeena dibada joogo, iyadiina waayadaan waxaa ku socdey dagaal iyo culeys aad u weyn, taas oo gaarsiisey in waddamo badan laga soo diri kari waayo, culeys weyna ku noqotay dadkeena.

Dhanka kale Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay ku fashilmeen in ay sameystaan hoggaan matala danaha ganacsiga iyo maslaxadda guud lana  jaanqaadi kara waaqica ku soconay sida xawliga, taa badalkeedana waxaa dhexdooda ka abuuran, is coleysi iyo is riix riix aan xigmad ku dhisneyn, seejiseyna in ay danahooda hormariyaan,  waxaana laga yaabaa in ganacsiga yare ee gacanta ugu jiraa ay mar aan dheereyn xil wareejin ugu sameeyaan shirkado shisheeye.

Waxaa la sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya 97% uu ku tiirsan yahay, private sector, kaas oo ah Import iyo service, taas oo aay ka dhalatay  waxa loo yaqaano (Trade Deficit), oo ah in aad wax soo degsato balse aadan wax dhoofinin, ka waran hadii service-ki yaraana shirkado shisheeye qaataan?

Dhanka kale ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay ku safraan passport wadamo kale, duruufta jirto awgeed oo ah in Somali Passport aanay Visa ku heleeynin , taana waxaa ka dhashay in faa’iidada ganacsi ee is dhaafka ah ay waddamada ay Passporadooda wadano  u wareegto, waana culeys taagan oo u baahan xal deg deg ah.

Madaxweynaha Soomaaliya , waxaa uu booqdey UAE, haddana waxaa uu booqday Turkiye, labada waddana waxaa naga dhaxeeya xiriir Ganacsi oo muhiim, waana ay habooneyd in la qabto wada tashi ballaaran ka hor booqashada Madaxweyne. Nolosheena maanta waxa ay ku tiirsan tahay private sector iyo ganacsi, mana filayo in uu jiro waddan aan la leenahay heshiis ganacsi, marka aad iyo aad ayey muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo danaha caamka ah ee dadkeena, dalkeena iyo inaan qaabeeyno ganacsigeena iyo matalaadiisa.

NB: Qoraalkaan kore waa aragtideyda Shakhsiga ah, mana ku Matalayo Hormuud, ama Salaam Bank.

_____________________________

WQ: Cabdullaahi Nuur Cusmaan.

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

MM Staff

Read Previous

Qaramada Midoobay: “Kumanaan Carruur ah ayaa u adkeystay xadgubyo naxdin leh oo ka dhacay Goobaha Colaadaha”.

Read Next

Guddoomiye-kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin oo lagu xayiray garoonka Boosaaso.