Ruushka oo lagu eedeeyay is hor-taag uu ku sameeyay Gargaar u socda 3 Milyan oo ruux oo cunno la’aan ku heysata Waqooyi-Galbeed Suuriya.

Warbixin muujineysa cunno la’aanta ka jirta Waqooyi-Galbeed Suuriya ayaa lasoo bandhigay, waxaana gargaar degdeg ah u baahan Dad gaaraya 3 Milyan oo ruux sida ay sheegeen hay’ado kala duwan.

Ruushka ayaa diidmo qaraxan ku hor istaagay qaraar Golaha Ammaanka uu ku damacsanaa in gargaar la gaarsiiyo Dadka ku sugan Waqooyi-Galbeed Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Mucaaradka.

Dadka oo waayay Gaaskii ay cunnada ku karsanayeen waxa ay door bideen in ay shitaan qoryaha iyo Baakadaha si ay u helaan cunnada ay u baahan yihiin in ay cunnaan, taasi waxa ay sababtay waqti badan la raadiyo qoryaha la shidayo.

Umu Cali, waxa ay muuqaalka Warbixinta kasoo muuqatay iyada oo biyo karkarineysa si ay raashin ugu kariso 7 carruur ah oo ay dhashay, waxa ay sheegtay in ay waayeen Gaaskii ay cunnada ku karsanayeen.

“Maalin weliba waxa ay carruurtu aaddaa meelaha qashin qubka ah si ay usoo uruuriyaan qoryaha la shidan karo si aan raashin ugu kariyo, waxa ay uruursadaan biyaha allamuniyamka ah, Balaastiga  & wax weliba oo ay sii iibsan karaan si ay lacag ugu helaan uguna iibsadaan 4 Rooti oo ah cunnada quraacda oo keliya” ayay tiri Umu Cali.

No description available.

Dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda waxaa usii dheer Dowladaha kala taageeraya dhinacyada hubeysan ee magacyada kala duwan wata oo Gobollo dhowr ah kala heysta, waxaa ka jira xaalado dhanka Nolosha ah.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

James Swan: “Bahda QM ee Soomaaliya waxa ay hambalyada Ciidul-Adxaa u dirayaan Soomaalida”.

Read Next

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Magaalada Muqdisho kula tukada Saaladda Ciidda Masjidka Cali Jimcaale.