James Swan: “Bahda QM ee Soomaaliya waxa ay hambalyada Ciidul-Adxaa u dirayaan Soomaalida”.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa munaasabadda Ciidul-Adxaa ugu hambalyeeyay guud ahaan Soomaalida.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa guud ahaan Soomaalida u rajeeyay Nabad & Barwaaqo si uu dalka uga baxo dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira.

Swan waxa uu rajeeyay in Soomaalidu ay xoogga saarto dib u heshiisiinta & ka shaqeynta nabadda si looga gudbo dhibaatooyinka dalka ka dhacay oo loo hiigsado horumar iyo Barwaaqo sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaageysaa Soomaalida dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyada oo uu jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad. Ciid Wanaagsan”ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midboobay u qaabilsan Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kamid ah Danjireyaasha ku sugan Magaalada Muqdisho ee Shacabka Soomaaliyeed u diray fariimo ku saabsan munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta ah maalintii 1aad.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

MW DG Jubbaland oo ku baaqay in gurmad degdeg ah loo helo qoysaska abaarka kasoo barakacay.

Read Next

Ruushka oo lagu eedeeyay is hor-taag uu ku sameeyay Gargaar u socda 3 Milyan oo ruux oo cunno la’aan ku heysata Waqooyi-Galbeed Suuriya.