Madaxweynaha Sudan oo magacaabay Ra’isalwasaare cusub

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa kala diray Golahiisa Wasiirrada waxaana uu magacaabay Gole Wasiirro oo cusub.

Mr Bashiir ayaa kala diray xukuumaddii ka koobneyd 31 Xubnood,waxaana lagu soo koobay 21 Wasiir,iyada oo Ra’islawasaare cusubna la magacaabay.

Ra’isalwasaaraga cusub waxaa loo magacaabay  Moutaz Mousa Abdallah,oo ahaa Wasiirka Waraabka ee Xukuumadda la kala diray.

Ra’isalwasaaraha xilka ka tagay  Bakri Hassan Saleh,ayaa sii ahaanaya Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dalkaas oo uu horayba u hayay,waxaana Madaxweyne ku xigeenka 2aad loo magacaabay Mohamed Osman Yousif Kiber.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa sababta dhimista Golaha Wasiirrada waxaa uu ku sababeeyay si ay dowladda u kabto dhaqaalaha dalkaasi ee hoos u dhacaya loona dhimo Kharashka ku baxaya  wasaaradaha faraha badan.

Bishii August ee la soo dhaafay Xisbiga talada haya ee  NCP,ayaa Cumar Al-Bashiir u doortay musharraxooda doorashada dhaceysa sanadka 2020-ka.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo Laasacaanood u tagay xallinta colaad Beeleed

Read Next

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanno ka tirsan labada shabeelle