Muhaajiriin Somali ah oo lagu xiray Turkiga

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay 56 Qof oo muhaajiriin sharci darro ku galay dalka Turkiga maalmihii la soo dhaafay.

Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay 14 Ciraaqiyiin ah,13 Afghanistaaniyiin ah, lix Syrian ah iyo kuwo kale,waxaana lagu xiray Degmada Xeebta ku taalla ee Kuşadası.

Sidoo kale Ciidamada Turkiga ee Gobolka Mugla ayaa gacanta ku dhigay dad kale oo u dhashay dalalka Somaaliya, Falastiin iyo Syrian,waxaana ay tiradoodu gaareysaa 23 qof.

Dhamaan Muhaajiriinta la xiray ayaa lagu wareejiyay xafiiska socdaalka dalka Turkiga ee Gobollada lagu qabtay si halkaas loogu marsiiyo xeerarka Dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay sheegtay in Muhaajiriinta ay badankood ku safrayeen Doomo macmal ah oo ka sameysan Al-waax iyo Baco la aariyeeyay.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweynaha Somaliya oo mar 2aad booqanaya Asmara

Read Next

56 illegal migrants being held off Aegean coast