Sawirro: Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo gaaray Kismayo

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaarkood ayaa ku qul qulaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay ka qeybgelayaan shirka Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo berri ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee gaara waxaa uu ahaa Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Maamulka Jubaland.

https://scontent-lht6-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Madaxweynaha kale ee ku xigay waxaa uu ahaa Madaxweynaha Maamulka Hoirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,kaas oo isna wafdi uu hoggaaminayay ay gaareen Magaalada Kismaayo.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Madaxweynaha  Dowlad Goboleedyada Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna gaaray Magaalada Kismaayo,waxaana qaabilay xubno ka mid ah maamulka Jubaland.

Image result for C/Wali Gaas oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku maqan Aaska hooyada dhashay Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ka maqan Kismaayo.

Shirkan waxaa Bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

HORDHACA: Barcelona Vs Huesca+Safafka macquulka ah.

Read Next

Baarlamaanka dowlad degaanka oo kalsoonida siiyay Wasiirrada cusub