Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya
Kooxda Man United ayaa u safri doonta garoonka Turf Moor iyada oo kula ciyaari doonta kooxda Burnley kulankoodii 4-aad ee horyaalka premier League xilli ay ka go,antahay in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.
Red Devils oo laba guuldaro oo xiriir ah la kulantay ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan marka ay la ciyaari doonta Burnley.
Dhanka kale Bunrley ayaa dhankeeda doonaysa in ay United mariso wadadii ay mariyeen Brighton iyo Tottenham milixna sii mariyaan dhaawaca ay gaarsiiyeen koxoaha Brighton iyo Tottenham
Kulanka: Burnley Vs Man United
Tartanka: Premier League
Wakhtig: 6:00 Galabnimo
Garoonka: Turf Moor
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Burnley ayaa ku jirta seddexda boos ee ugu hoosasa horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa bishii August 2016, laakiin waxay badiyeen seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay ee Premier League ay ciyaareen iyaga oo ku jira boosaska ugu hooseeya horyaalka.
Kooxda Burnley ayaan wax is badal ah ku samayn shaxdeeda halka ay kooxda Man United tahay kooxda ugu badan ee shaxdeeda Is Badal ku samaysay ilaa haatan premier League iyada oo ku samaysay 9 is badal.
Tan ilaa markii uu Jose Mourinho tababare u noqday Man United waxa uu ka badiyay dhamaan 11 tababare ee premier League ah ee uu ka hor tagay laba guulood ayaa ka yimid tababaraha Burnley ee Sean Dyche.
United ayaa shabaqa ilaashatay sagaal kamid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Turf Moor tartamada oo dhan, marka laga reebo guuldaradii 1-0 ee bishii August 2009.
