Chelsea oo guul soo daahday ka gaartay AFC Bournemouth.

Kooxda chelsea ayaa sii wada guulaha xiriirka ah iyaga oo guushii 4-aad oo xiriir ah ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kaas oo ay ku ciyaarayeen garoonka Stamford Brigde.

Kulanka ayaa ahaa mid aad ugu adag labada kooxood gaar ahaan kooxda chelsea maadama ay kooxda Bournemouth ku difaacanaysay 10 xiddig chelsea-na u diiday in ay soo taabtaan shabaqooda.

Si kasta ha ahaatee kooxda chelsea ayaa qaaday weeraro waali ah iyaga oo sameeyay fursado waali ah oo laga dhalin karay laakiin ay dhaafi waayeen daafaca Bournemouth.

Kooxda Bournemouth ayaa dhankeeda heshay fursado goos-goos ah oo ay ku dhalin kareen gool laakiin waxa u suurtagali wayday in ay shabaqa Chelsea soo taabtaan.

Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood kala dhalin waayeen wax goolal ah kuna heshiiyay in ay sidaas nasashada ku galaan.

Qaybtii dambe ayaa si la mid ah ahayd mid adag oo ay labada kooxoodba ka go,anayd in ay dhaliyaan sidoo kale kooxda Bournemouth si weyn u difaacanaysay goolkeeda.

Chelsea ayaa ugu dambayn dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Pedro kaas oo ciyaarta fur-furay.

Kooxda Bournemouth ayaa isku dayday in ay soo dhaliso goolka bar-baraha laakiin waxa u suurtagali wayday in ay soo taabtaan shabaqa Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda goolhayayaasha.

Blues ayaa mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 85-aad u dhaliyay goolka xiddiga Eden Hazard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Blues ku hogaaminayso.

waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea sidaas ku gaadhay guusheedii 4-aad oo xiriir ah horyaalka premier League.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Liverpool Oo Guul ay ku rafaaday ka gaartay Leicester City.

Read Next

Man City oo guul dirqi ah ka gaartay Newcastle United.