Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay “weerarka argagixiso” ee Hotel Afrik ee magaaladda Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen in ka badan tobban ruux, oo ay ku jiraan Generaal Maxamed Nuur Galaal iyo Cabdullaahi Nuure Siyaad.
Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM laguna daabacay baraha Barta Tweetter-ka ee Hawlgalka, ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho Amp James Swan ayaa weerarkaas wuxuu ku sifeeyay “mid wuxushnimo ah” oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si xoogan u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Hotel Afrik oo ay ku dhinteen dad badan ama ku dhaawacmeen dad badan” ayaa lagu faafiyay bogga Internet-ka ee UNSOM.
“Waan ka naxnay weerarkan foosha xun ee wuxushnimada ah oo lagu beegsaday goob ay ku badan yihiin shacab aan waxba galabsan, waxaana ku cambaareynaynaa eryadda ugu adag,” ayaa ku xusan Bayaanka
“Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu murugada la wadaagayaa qoysaska dadkodoa ku waayay falkaas, wuxuuna soo kabasho deg-deg ah u rajeynayaa bukaanadda,” ayaa lagu soo xiray qoraalka Qaramada Midoobay.
Xoogga hubaysan ee xiriirka la leh Al Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkaas waxaana ay intaas ku dareen in dagaalyahano ka tirsan ay gudaha ugu daateen kana dhex-dagaalamayeen ku dhowaad 8 saac oo xiriir.
Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, ku dhowaad 40 qof oo isugu jira shacab, askar, mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo ayaa ku dhintay weeraro ka dhacay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo ay soo baxayeen digniino amaan oo ay soo gudbiyeen Qaar kamid ah safaaradaha reer Galbeedka ee xaruntoodu tahay magaaladda Muqdisho.
